Xoghayaha difaaca Maraykanka oo su’aalo laga weydiiyey lacagta ku baxday dagaalka Iiraan
Intii ay Socotay dheggeysiga soo jeedinta waaxda difaaca Maraykanka ayaa warbixin ka siisay aqalka ciidanka Mareykanka, taas oo ku saabsan cadadka kharashka illaa iyo hadda ku baxay dagaalka lagu qaaday Iiraan.
Adam Smith, oo xubinta dimoqaraadiyiinta ka tirsan oo guddiga ka tirsan ayaa weydiiyey kharashka baxay, iyo in ay guddiga u keeni karaan guud hantida dagaalka gashay.
Madaxa maaliyadda ee Pentagon-ka Jules Hurst oo warbixinta ka hor akhrinayey guddiga ayaa sheegay in lacag gaareysa 25 billion ay tahay wax ku baxay hubka dagaalka.
“Waaan ku faraxsanahay inaad ka jawaabtay su’aashan, sababta oo ah waqtiga badan weydiineenay ma jirin cid na siisay cadadkan”, ayuu yiri Adam smith.
Waxa uu sidoo kale weydiiyey wasiirka difaaca Pete Hegseth ‘sidee ayey dowladdu u qorsheesay arrimaha nukliyeerka Iiraan’?
Hegseth wuxuu ku eedeeyay dowladihii hore inay sameeyeen “heshiisyo aan munaasib ahayn” wuxuuna soo hadal qaaday Qorshaha Wadajirka ah ee Waxqabadka (JCPOA) ee la saxiixay 2016 xilligii Barack Obama.
JCPOA waxaa sidoo kale loo yaqaan Heshiiska Nukliyeerka Iiraan.
Smith ayaa ka soo horjeestay, isagoo leh, “Waa wixii hore, maxaa mustaqbalka ah?” Wuxuu sidoo kale su’aal ka keenay in ay jirto khatar nukliyeer oo degdeg ah oo u baahan dagaal lala galo Iiraan.
Hegseth wuxuu sheegay in Iiraan “aysan ka tanaasulin himilooyinkeeda nukliyeerka”, waana sababta Mareykanku uu tallaabadan u qaaday isagoo la kaashanaya Israa’iil.
