Siduu Turkigu U Sheegan Karaa 30 Milyan Oo Uu Ku caawinayo Soomaaliya, Xilli Soomaaliya ay Siisay Ankara Qiimaha Ugu Badan Ee Dal uu Huri Karo?
Warbixin lagu dabaacay Wargeyska rasmiga ah ee dalka Tukiga, taas oo lagu sheegay in 30 Milayan oo dollar oo hal sano loo yaryareynayo, Ankara ay ugu deeqday Soomaaliya, ayaa dhalisay dood caalami ah oo ku saabsan “Sida Turkigu uu ugu faani karo ama sidaas oo dhan uu qiimo ugu yeeli karo” lacagtan uu ugu deeqday Soomaaliya oo uu ka haysto heshiisyada ugu badan oo macaashkoodu uu ku kacayo Balaayiin dollar.
Dawladda Madaxweyne Erdugan waxaa loo arkaa lamaanaha ugu dhaw ee Soomaaliya iyo wadanka faa’iidada ugu badan ku qaba dalka, saameyntiisa goobta istiraajiga ah ee Soomaaliya ay dhacdo marka laga eego.
Heshiisyada Turkiga iyo Soomaaliya.
Turkigu wuxuu kula jiraa Soomaaliya heshiis oo waaweyn, kuwaas oo badankood ku dhisan macaash mustaqbalka ah, xoojinta dawladnimada Soomaaliya iyo ka faa’iideysiga Turkiga ee dhulka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya si loolankiisa quwadaha Caalamka uu u xoojiyo.
Heshiisyadan waxaa badankood la saxiixay inta xukunka uu joogay MW Xasan Sheekh doorkiisii hore iyo muddo xileedkiisa hadda, waxaan ka mid ah:
- Heshiiska Sahminta Shidaalka & Gaaska
Bishii Maarso 2024, dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis muhiim ah oo ku saabsan sahminta, soo saarista iyo sifeynta shidaalka iyo gaaska.
Heshiiskaan wuxuu ankara u ogolaanayaa in badda iyo berigaba ay shidaalka ka baari karto kana soo saari karto.
sahmintii 1aad ayaa guuleysatay waxaana hadda ku sugan biyaha Soomaaliya gaar ahaan halka loo asteeyay ceelka Curad 1 Markabka Turkiga ee Cagri Bay oo bilaabaya qodista gunta hoose ee badda.
haddii qodistan ay guuleysato Ankara waxay heli doonto dhaqaale badan oo macaash iyo dib u qaadashada dhaqaalihii ka galay shidaal soo saarista ah, waxaana quburada dhaqaaluhu ay aaminsan yihiin in macaashku 7-8 sano gudahood uu gaari karo Balaayiin dollar.
- Heshiisa Difaaca iyo Badda
Bishii Feberaayo 2024, dawladaa Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis difaac oo soconaya muddo 10 sano ah.
Heshiiskan oo ku soo aaday xilli xasaasi ah oo uu taagnaa Khilaafkii Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhashay MOU-gii sharci darrada ahaa ee Abiye Axmed iyo Muuse Biixi ay galeen ayaa dhigaya in Ankara ay ka difaaci karto Soomaaliya Bad, beri iyo cirka intaba waxaana uu heshiiskaan ka dhigayaa Turkiga lammaane muhiim u ah amniga badda iyo beriga Soomaaliya.
Dhinaca badda heshiiskan wuxuu Turkiga siinayaa doorka horumarinta “Blue Economy” (kalluumaysiga iyo amniga), iyadoo la sheegay inuu helayo qayb weyn oo ka mid ah dakhliga Aagga Dhaqaale ee Gaarka ah (EEZ).
Maarso 2026 ayaa la dhammeystiray heshiisyada “dhaqaalaha Buluugga ah” ee lagu nidaaminayo kalluumaysiga iyo ilaalinta xeebaha Soomaaliya.
Marka laga soo tago in heshiiskaan uu yahay mid faa’iido difaac u leh Soomaaliya, mid dhaqaalana u leh Turkiga waxaa fursad kale u ah Turkiga saameynta ay ku yeelan karaan biyaha Soomaaliya oo muhiimad gooni ah u leh Caalamka.
Soomaaliya dhanka badda cas waxay ka haysataa qeyb ka mid ah marinka miimka ah ee Baab el-Mandeb, waana sababta ka dhigtay Waqooyi galbeed Soomaaliya meel ay si weyn ugu loolamayaan quwada ugu waaweyn caalamku.
Sidaas daraadeed heshiiskan wuxuu siinayaa turkiga in uu noqon kara kan ugu saameynta badan tartamayaasha caalamka dhanka marinkaan iyo guud ahaan biyaha Soomaaliya.
- Heshiiska Amniga
Sanadkii 2015kii dawlada Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis amni oo muhiim ah kaasi xoogga saaray dhismaha iyo tayaynta Ciidamada Soomaaliya.
Bishii Sebteembar 2017, ayay dowladda Turkigu si rasmi ah u fulisay heshiiskaan waxaana Turkigu Muqdisho uu ka furatay saldhigga ugu weyn ee uu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa.
Saldhigga Turkisom wuxuu kaalin weyn ka ciyaaray dhismaha ciidamo awood leh oo Soomaaliya ay yeelato waxaana ka aflaxay 33 guuto ah oo ciidamada kumaandoosta ah ee Gorgor.
Sldhiga Milatari ee Turkigu uu ka sameystay Soomaaliya waxaa ka horeeyay kuwo kale oo dowlado shisheeye ay ku lahaayeen dalka, in kasta oo uu cadaadis jiray hadana dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in Ankara saldhig milatari laga siiyo salka.
- Soomaaliya ayaa u ogolaatay Turkiga in uu ka sameysto dalka saldhiga dayax gacameedka.
Sida ay sheegeen Madaxda dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Turkiga ayaa loo ogolaaday 2025 in uu ka sameysto gudaha Soomaaliya saldhig laga tuuro dayax gacameedka.
u jeedku waa in ankara ay xoojiso loolanka uu kula jiro quwadaa dunida oo xoog badan saaraya loolanka dhanka hawada oo qaarkood ay bilaabeen in ay u isticmaalaan saldhigyo sirdoon.
Juquraafi ahaan Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha ugu haboon in laga rido Dayax gacameedka, taasina waa sababtuu uu tukigu uga doortay Soomaaliya dhaaman dalalka kale ee qaaradda, waxaana Soomaaliya mihiimadeeda Juquraafiyadeed ee ka caawineysa Turkiga loolanka uu kula jiro, Mareykanka, Shiinaha iyo Faransiiska.
- Heshiiska Maareynta Kaabayaasha dhaqaalaha.
Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay October 2013 heshiis 20 sano ah oo shirkadda Turkiga ee Al-Bayrak ay ku maamulayso Dekedda Muqdisho, waxayna shirkaddu si rasmi ah ula wareegtay dekadda 2014. Sidoo kale shirkadda Favori LLC ayaa bilowday casriyeynta iyo maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo ilaa iyo hadda ay gacanta ku ahayso.
Waa il kale oo dhaqaale labadan Irdood ee laga soo galo caasimada dalka, waxaana warbixinada qaarkood ay muujinayaan in saami dhaqaale Ankara ay ka macaashto labadaba.
kuwan waa heshiisyada ugu waaweyn ee u dhaxeeya Turkiga iyo ankara oo sanadihii la soo dhaafay uu aad u xoogeysanayay xiriirka ka dhexeeya.
Haddii la fahmo mugga heshiisyadaas 30 Milyan oo dollar oo Turkigu uu siiyay Soomaaliya ma ahan wax weyn oo lagu buun-buuniyo Wargeyska ugu weyn xukuumadda Madaxweyne Erdiguna marka la barbar dhigo weynida heshiisyada labada u dhexeeya.
Si kastaba Soomaaliya dhaqaale ugama badalan heshiisyadaan Ankara ee waxay ku gashay kalsooni ay ku qabto hoggaanka wadankaas oo madaxda dalka ay u arkeen in uu yahay saaxiib daacad ah oo lagu aamini karo heshiisyo u badan kuwo khayraad oo aad muhiim ugu ah dalka.
